MD Xasan Sheikh oo La Kulmey Culimada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan gaar ah la qaatay Culimada Soomaaliyeed waxa uu kala hadlay saddex qodob oo kala ah: La dagaalanka AS, Xoojinta Midnimada & Xal u helidda caqabadaha dib u dhigay Dalka.

Qoraal kooban oo Madaxtooyada Soomaaliya kasoo saartay kulankaan ayay ku sheegtay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uu Culimada ka codsaday in ay doorkooda ka qaataan ka gudubka caqabadaha dalka dib u dhigay iyagana oo aqbaleen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa culimada Soomaaliyeed ku tilmaamay in ay laf-dhabar u yihiin la dagaalanka ‘AS’ iyaga oo door muuqda ka qaatay kulamadii looga hadlay billowgii howlgallada lagu qabtay deegaanno dhowr ah.

Culimada ayaa dhankooda waxa ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud u gudbiyeen talooyin ku aaddan dib u dhiska, horumarinta Dalka & la dagaalka Fikirka waxa loogu yeero ‘Xagjirnimada’ sida hadalka loo dhigay.