Mdaxweynaha Dalka Kenya Oo Sheegay in uu siiwedayo Dadaalada Somaaliya lagu nabadeynayo

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ballan qaaday in dalkiisu uu sii wadi doono dadaalada nabad raadinta Gobolka, gaar ahaan Soomaaliya oo uu sheegay in xasilloonidoodu ay aas aas u tahay nabad galiyada dalkiisa.

Kenyatta ayaa sheegay in Soomaaliya oo ah dal qani ah ay dhibaato ku hayaan dad Ajaaniib ah oo ka barbar dagaalamaya Al-Shabaab, wuxuuna balan qaaday in Kenya ay sii wadi doonto taageerida Soomaaliya, si ay u sii xoogeysato hannaanka dowladnimo ee ka jira.

“Waxaan ka shaqeynay in aan xaqiijinno garab istaagga Soomaaliya iyo in ay hesho taageero ku haboon caqabadaha hor yaalla, waan sii wadaynaa in aan arrinkas ka shaqeyno, Soomaaliya waa taageernay, waana sii wadi doonaa inaan gacan ka geysano in shacabka Soomaaliyeed ay dhistaan dowlad adag oo xasiloon.” Ayuu ku yiri Madaxweyne Uhuru Kenyatta, Khudbadda uu ka jeediyay Mudanayaasha Baarlamaanka dalkaas.

Sidoo kale, Uhuru Kenyatta ayaa ammaanay Ciidanka Midowga Africa AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya, kuwaasi oo ka caawiya Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Mr. Kenyatta ayaa sheegay in danta Kenya ay tahay Soomaaliya oo degan, isagoona xusay in Soomaaliya uu yahay wadan dagaalo sokeeye aafeeyeen, balse si dhaqsi ah hadda u soo kabsanaya.