Mdaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo kulan laqaatay Wasiirka Maareynta masiiboyinka XFS iyo Gudoomiyaha MMQ

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa Xarunta Madaxtooyada Kismaayo ku qaabilay Gudoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalim Cabdulle iyo Wasiirada Wasaaradaha Maareeynta Musiibooyinka ee Dowladaha Xubnaha ka ah JFS oo ka qeybgalaya shirka Madasha arimaha Gargaarka oo lagu qabanayo Magaalada Kismaayo.

Masuuliyiintan kala duwan waxaa ay Madaxweynaha Jubbaland Warbixin ka siiyeen howlaha shaqo ee u qabsoomay inta ay joogeen Magaalada Kismaayo iyadoo dhawaanna Kismaayo laga daah furi doono Shirka Madasha arimaha Gargaarka oo looga hadli doonno jihaynta Gargaarka iyo taakulada Dadka Soomaaliyeed ee la kulma Musiibooyinka dabiiciga ah gaar ahaan Fatahaadaha iyo Abaaraha.