Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland Dr; Cabdiweli Mxamed Cali Gaas, ayaa Maanta oo Sabti ah Xafiiskiisa ku qaabbilay wafti uu hoggaaminayay wakiilka gaarka ah eeĀ IGAD u qaabbilsan Soomaaliya Dr; Mohamed Guyo iyo ku xigeenka Madaxa arrimaha Siyaasadda Soomaaliya UNSOM Mr. Raisedon Zenenga.
Madaxweynaha Puntland kulanka uu la qaatay IGAD iyo UNSOM waxaa ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo horumarinta reer miyaga, Wasiirka Haweenka iyo Saraakiil kale.
kulankan ay yeesheen Madaxweynaha Puntland iyo wafti ay hogaaminayeen wakiilka gaarka ah eeĀ IGAD ee arrimaha Soomaaliaya ayaa waxaa looga hadlay amniga guud ee Gobolka, xaaladaha Binaāaadannimo iyo siyaasada Soomalaiya.
Dhinca kale Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in maamulkiisu uu marwalba u taagan yahay sidii loo heli lahaa Dowladnimo Soomaaliyeed oo buuxda, kuna dhisan sinnaan iyoĀ caddaalad, iyo sidii Soomaaliya xaaladdeeda guud ee amni wax badan looga baddeli lahaa.
Sidoo kale wakiilkaĀ gaarka ah IGAD u qaabbilsan arrimaha Soomaaliaya Dr; Mohamed Guyo iyo ku xigeenja arrimaha Siyaada Soomaaliya UNSOM Mr; Raisedon Zenenga, ayaa Puntland ku ammaanay doorka iyo kaalintaĀ siyaasadeed ee ay ka qaadatay nabada, xasilinta, is-dhexgalka iyo sidii loo abuuri lahaa jewi nabadeed oo soo Af-jara dhibaatadii dheereyd ee ay soo martay Soomaaliya.
Madaxweynaha Puntland Dr; Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa Beesha caalamka uga mahad celiyey doorka muhiimka ah ee ay ka qaadato wax ka qabashada arrimaha SoomaaliyaĀ gaar ahaaan amniga iyo siyaasadda, wuxuuna sidoo kale kula dar daarmayĀ inay sii xoojiyaanĀ waddada loo marayo sidii Soomaaliya loogu toosin lahaa jidka nabadda