Mdaxweyne Waare oo Muqdisho kula kulmay saraakiil ciidan

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay afur iyo casho ah ugu sameeyay guriga uu ka degen yahay magaalada Muqdisho qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada qalabka sida kana soo jeeda dowlad goboleedka Hirshabelle.

Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa sidii wax loogaga qaban lahaa ammaanka deegaanada uu ka kooban yahay dowlad goboleedka Hirshabelle oo qaar ka mid ah ay gacanta ku hayaan ururka Al-Shabaab iyo sidii dhulkaas loogaga xoreyn lahaa.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa saraakiishan uga warbixiyay xaalada ammaan ee dowlad goboleedka Hirshabelle, isagoo soo hadal qaaday qorshaha uu ku doonayo in la isku furo wadooyinka deegaanka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kala hadlay saraakiishan doorka kaga aadan ka qeyb qaadashada arrimahaasi iyo in waaya aragnimadooda dhinaca ciidamada ay ku biiriyaan dadaalada Madaxweyne Waare uu wado ee ah Xoreynta deegaanada Hirshabelle.

Kulanka ayaa waxaa lagu lafa guray muhiimada ay leedahay in la iska kaashado Ammaanka Deegaannada Hirshabelle iyo sidii looga dulqaadi lahaa deegaanada ay Shabaab kaga suganyihiin, Waxaana Saraakiisha uu Madaxweynuhu la kulmay ay muujiyeen sida ay u garab taagan yihiin Dowlad Goboleedka Hirshabelle, ayna diyaar u yihiin waaya aragnimadooda dhinaca dagaalka iyo ciidamada in ay ugaga faa’ideeyaan Maamulka iyo Shacabka Hirshabelle.

Waare ayaa gabagabadii kulankan waxa uu ugaga mahadceliyay saraakiisha uu la kulmay sida dareenka leh ay u muujiyeen waaya aragnimadooda iyo sida diyaarka ay u yihiin in ay la shaqeeyaan maamulka Hirshabelle, isagoo xusay in kulamada noocaan ah uu sii wadayo islamarkaana ay iska wareysan doonaan saraakiisha kale dhinaca ammaanka maadaama ay muhiim u tahay in laga faa’ideysto waaya-aragnimadooda.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa tan iyo markii la doortay waqtigiisa ugu badan galiyay dhinacyada ammaanka iyo sida la isugu furi lahaa wadooyinka xiran, waxana uu hore kulamo dhinaca amniga ah ula yeeshay saraakiisha ugu sareysa AMISOM, iyo Ciidamada Qalabka Sida, waxaana heer gaba gaba ah maraya fulinta howlgal culus oo lagu lagula dagaalamayo Al-Shabaab, iyadoo  qaarkood hadaba ay ka socdaan Deegaannada Hirshabelle kuwaasi oo ay ka qeyb qaadanayaan dadka deegaanka.