Meydadka 8 ruux oo laga helay Kaniisad iyo Xero ciidan oo Jigjiga ku yaalla

Inta la xaqiijiyay ilaa iyo Meydka 8 qof oo Soomaali ah ayaa laga helay Degmada 6-aad ee magaalada JigJiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Dadkaan ayaa la xaqiijiyey in ay dileen Oromo ku xareysan Kaniisad iyo Xero dawladeed oo ku taala Bartamaha magaalada.

Qaar ka mid ah dadka kunool Magaalada Jigjiga ayaa sidoo kale Warbaahinta u sheegay in dadkaasi qaarkooda la jarjaray.

Ciidamada Liyuu Boolis oo Saaka galay Kaniisadda oo dadkii Oromadda ahaa ay xalay ka baxeen ayaa soo bixiyay Meydadkaasi.

Dadkaan ayaa la sheegay in laga qabtay Xaafad ka mid ah Jigjiga intii ay joogeen Ciidamada Milatariga , islamarkaana la geeyay qaarkood Kaniisad kuwo kalena la geeyay Xero Ciidanka Itoobiya ay leeyihiin halkaasina lagu dilay.

Dhacdadaan ayaa timid xilli shalay iyo maanta ay degan tahay Xaaladda magaalada Jigjiga ee dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.