Meydadka Koxihii Weerarka soo qaaday oo weli yaalla goobihii shalay Qaraxyadu ka dhaceen

Waxaa Saaka weli yaalla Meydad goobihii shalay Al-Shabaab ay weerarka ku qaadeen ee afaafka hore ee Beerta Nabadda Koontaroolka Ciidanka Ilaaladda Madaxtooyadda.

Raggaan Meydka ah ayaa gaaraya afar ruux oo la is dul saaray kadibna joodari dusha laga saaray illaa shalay markii weerarka uu dhacayna halkaasi yaalay.

Ilaa iyo hadda ma cadda sababaha rasmiga ah ee loo qaadi la’yahay Meydadka, maadaama wadada ay yallaan ay inta badan maraan Madaxda dowladda iyo Wafuuda soo booqaneysa Madaxtooyadda Soomaaliya.

Kooxda Meydadkooda yaallaan Kontoroolka Ciidamada ayaa xiran tuutaha ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan tuute dhawaan ciidamada qaar loo qaybiyay, gaar ahaan ciidan dhawaan Ra’iisul Wasaare Khayre uu tababar u soo xiray, kuwaasi oo loogu magac daray 14-ka October.