Meydka G/gobolka Banaadir Oo lagu Wado in lakeeno Muqdisho

Saacadaha soo socda ayaa lagu waddaa in Magaalada Muqdisho la keeno Meydka Gudoomiyihii gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ka mid yahay Safiirka dowladda Qatar ee Dooxa ayaa lagu waddaa in meydka Gudoomiyaha in ay kasoo qaadaan Magaalada Dooxa.

Waxaa sidoo kale ka mid ah xubno ka mid qoyskiisa oo dhawaan ka yimid dalka Ingariiska sababo la xariiray dhaawaciisa.

Madaxda ugu Sareysa dalka oo ka mid ah Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu Waddaa in ay ka qeyb galaan Aaska Marxum Yariisow.

Gudoomiye Yariisow ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray Qaraxii dhawaan ka dhacay xarunta gobolka Banaadir.