Wararka warbaahintu ka heleyso degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Suuqa lagu iibiyo Xoolaha ee Xerka dheere ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi saakay lagu arkay Meydka Haweeney.
Dadka deegaanka ayaa waxa ay inoo sheegeen in saakay waabarigii hore ay arkeen Meydka qof haweeyn ah oo taalla Suuq Xerka dheer,iyagoo sheegay in xalay la soo dhigay halkaas.
Goobta lagu arkay Meydkaas ayaa waxaa gaaray dhowr qof,kuwaasi oo doonayay si ay u aqoonsadan,hayeeshee waxaa la tilmaamay in jerkeeda uu ka muuqday dhaawacyo rasaas ah.
Wararka ayaa intaasi wax ay ku darayaan in haweeneyda ay kamid aheyd ganacsatada Suuqa xerka dheer eek u yaalla Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir,inkastoo aan weli si dhab ah loo cadeyn.
Dadka kunool halkaasi Xaafada suuqa Xerka dheer ayaa saakay aad u hadal haaya dhacdadaan.