Meydka Wasiirkii tastuurka Oo laga Soo dejiyay Muqdisho

Waxaa haatan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho laga soo dajiyay Meydka Allaha u naxariistee Wasiirkii hore ee arrimaha Dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo maalin kahor ku geeriyooday Magaalada Dubai ee Isutagga Imaaraadka Carabta.

Garoonka diyaaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa ku sugan guddigii loo xilsaaray Qaban-qaabada Aaska qaran ee Wasiir Xoosh oo ka kooban Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Amniga Gudaha, waxbarashada, Warfaafinta, Kalluumeysiga iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha Dastuurka iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlada.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa waxaa salaadda Janaasada lagula tukaday Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ,waxaana lagu Aasi doonaa qabuuraha Isbitaalka Madiina dhabarkiisa dambe ku yaalla.