Meyka Wiil dhalin yaro ah Oo Saaka lagu Arkay Muqdisho

Waxaa Saakay Wadada Al-mukaraha ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Maqaayada Hilaac UK lagu arkay Meydka Will dhalinyaro ah.

Dad goobjoogayaal ah oo halkaasi ku sugan ayaa waxa ay sheegeen  in Meydka uusan ka muuqan wax dhaawacyo ah,balse lagu arkay Luuq ku yaalla agagaarka Maqaayadda Hilaac UK oo ah halka dhawaan uu ka dhacay  weerarka.

Sawirro laga soo qaaday Meydka Wiilka Dhalinyarada ayaa muujinaya in uu Agyaalo Baallo ay ku xiran tahay Koronto,isla markaana loo maleynayo in ay dishay korontadaas.