Michael Keating oo sheegay ciidamada Somaliya inaysan awood u laheyn ammaanka Dalka

Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay arrimaha Somaliya Michael Keating, ayaa wuxuu ka hadlay qorshooyinka kala duwan ee dadaalka loogu jiro sidii ciidamada Somaliya ammaanka dalka ay ula wareegi lahaayeen.

Keating ayaa sheegay ciidamada Somaliya inaysan weli awood buuxda u yeelan la wareegida ammaanka dalka, marka la eego sida ciidamada Amisom hadda gacanta ugu hayaan ammaanka dalka.

“Ciidamada Soomaaliya weli awood buuxda uma laha in ay ammaanka la wareegaan laakiin dowladdu waxa ay aad ula shaqeyneysa Midowga Afrika, waxa ayna leeyihiin xiriir aad u fiican iyo si la mid ah caalamka sidii loo hirgelin lahaa qorsha amman ee lagu heshiiyey iyo in la keeno qorshe ammaan oo ciidamada looga saarayo xaaladda ay ku jiraan si buuxda ay ammaanka ugala wareegaan taas oo u baahan Is faham siyaasadeed iyo Awood fulineed oo ah sida ay Soomaaliya shaqdeeda ku qabsan karto, taasna weli lama gaarin.” Ayuu yiri Keating.

Wakiilka Qaramada Midoobay arrimaha Somaliya ayaa soo hadal qaaday kulamada kala duwan ee dhanka ammaanka looga gol leeyahay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

“Muqdisho sida aad ka warheysay waxaa kulan ku yeeshay guddiga qaran ee ammanka taas oo aan qiyaasayo in horumaro laga sameeyey dhanka amniga, marka in si tartiib tartiib ah ay Amisom ku baxdo waxaa lala xiriiri karaa in ciidamada dowladduna si tartiib tartiib ah ay u hormaraan, waana taa waxa hadda taagan sida loo horurmari karaa dhanka ciidanka si ay wadankooda ammaankiisa ula wareegaan waana in arrinkan lagawada shaqeeyaa sidii loo hirgeli lahaa lkn haddii aan su’aashaada ka jawaabo wali halkaa magaarin.” Ayuu yiri Keating oo Wareysi siiyay Idaacada Goobjoog.