Mid Ka Mid Ah Ergadii Soo Dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Lagu dilay Magaalada Muqdisho

Rag ku hubeysnaa Bastoolado ayaa xalay waxa qeybo ka mid ah degmada Dharkeenlay ee gobolkan Banaadir ay ku dileen Oday dhaqameed ka mid ahaa Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Ibraahim Cali Xasan,waxana la sheegay in dadkii ka dambeeyay dilkiisa ay goobta ka baxsadeen.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay ka dambeeyeen dilka Nabadoonka, waxaana ay sheegeen in ay beegsadeen dagaalyahano ka tirsan Shabaab.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa dilka kadib goobta gaaray,iyaga oo sameeyey howlgal ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilkaas,wallow aysan ku guuleysan in ay gacanta ku dhigaan.