Mid Ka Mid Ah Raggii Weerarka Geystay Gaalkacyo Oo La Qabtay

Waxaa Goordhow Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Mamulka Galmudug ay soo afjareen weerar qaraxyo ku bilaawday oo lagu qaaday Xarun uu Koonfurta Gaalkacyo ku lahaa Cabduweli Cilmi Yare.

Weerarka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,waxana dadka dhintay ku jiray Sheekh Cabduweli Cilmi Yare iyo qaar ka mid ah ilaalada Xarunta.

Ciidamada Galmudug ayaa qaar ka mid ah dhalinyaro ku jirtay Xarunta kana mid ahaa Xerta Cabduweli Cilmi Yare soo badbaadiyay.

Warar aan ka heleyno Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Galmudug ay sidoo kale Gacanta ku dhigeen mid ka mid ah raggii weeraray Xarunta,isaga oo dhaawac ah.

Weerarkaas qaraxyada ku bilaawday ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay Al-Shabaab,iyaga oo sheegay inay ku dileen Cabduweli Cilmi Yare oo sheegtay Nabinimo,isla markaana u gefay Nabigeena Muxamed NNKH.