Mid ka mid Ah shaqaalaha Golaha shacabka oo lagu dilay Muqdisho

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, dabley hubeysan ayaa galabta rasaas ku furtay gaari ay la socdeen ilaa afar qof, kaasi oo marayay qeybo ka mid ah Waaxda Horseed ee degmada Waaberi.

Masuuliyiinta maamulka degmada Waaberi ayaa inoo xaqiijiyay warkan, waxayna inoo sheegeen in rag ku hubeysan Bastoolado ay rasaas ku fureen gaari nuuca raaxada ah oo ay la socdeen afar ruux oo midi ay haweeney tahay.

Maamulka degmada Waaberi ayaa sheegay in halkaasi uu ku geeryooday Cumar Dalxa Maxamuud oo ka mid ah shaqaalaha Golaha Shacabka, gaar ahaan qeybta Qasnajiga, halka uu ku dhaawacmay qof kale oo magaciisa lagu sheegay Cali C/laahi Cabdi oo ilaa hadda aanan la ogeyn waxa uu yahay, Haweeneyda iyo Darawalka gaariga ayaa badqaba oo aanay khasaare gaarsiin rasaasta.

Ciidamada ammaanka ayaa tagay goobta uu falka ka dhacay, xilli ay baxsadeen raggii weerarka geystay oo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab, waxayna halkaasi ka qaadeen ninkii dhaawacmay oo la geeyay mid ka mid ah isbitaalada Muqdisho.

Ilaa hadda Masuuliyiinta Golaha Shacabka, kama aanay bixin wax faah faahin ah weerarkan lagu dilay Cumar Dalxa oo ka mid ahaa shaqaalaha Golaha Shacabka, balse waxaa socda baaritaanada dhacdadan la xiriirta.

Dhanka kale wararka aan ka heleyno degmada Shibis gaar ahaan isgoyska Maana-booliyo waxa ay sheegayaan in maqribnimadii  caawa halkaasi lagu dilay mid ka mid ah Ciidanka ilaalada wadooyinka, kaasi oo ay dileen dabley hubeysan.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa inta la guda galay bisha barakeysan Ramadaan wuxuu u muuqdaa mid faraha ka sii baxay, maadaama habeeno xiriir ah ay dhaceen dilal qorsheysan oo loo geystay dad kala duwan, ilaa hadda laamaha ammaanka ma aanay qaadin talaabo deg deg ah.