Mid Ka Mid Ah Suuqyada Xoolaha lagu iibgeeyo Ee Dalka Kenya Oo La Xiray

Mas’uuliyiinta dowlad deegaanka Wajeer ee woqooyi bari Kenya ayaa amar ku bixiyay in la xiro seyladda xoolaha ee magaaladaasi si looga hortago faafitaanka cudurka Rift Valley Fever ee halkaasi dhawaan ka dillaacay.

Sida ay sheegayaan mas’uuliyiintu ilaa hadda cudurkaasi ayaa galaaftay nolasha ilaa lix qof halka ilaa 70 qof oo kalena uu soo ritay.

Horaan ayaa waxaa albaabada loo laabay kawaanka ugu weyn magaaladaasi waxaana la mamnuucay hilibka xoolaha muddo laba usbuuc ah balse hadda waxaa muddadaasi lagu kordhiyay 14 beri ee dheeraad ah.

Sidoo kale waxaa la soo rogay amar ah in la xiro seyladda xoolaha lagu kala iibsado maadaama ay jiraan dad suuqa inta xoola ka iibsada qalaya oo hilibka ka iibinaya dadka magaaladaasi.

Sida ay sheegayaan khubarada dhanka caafimaadka, cudurkan ayaa laga qaadaa hilibka xoolaha uu soo ritay oo la cuno, sidaa awgeedna waxaa lagama maarmaan noqotay in maamulka magaalada uu mamnuuco in xoolo lagu qalo kawaanadda magaaladaasi.