Midowga Afrika Oo Cambaareeyay Xadgudubka Israa’iil Ee Ku Wajahan Soomaaliya

Ururka Midowga Afrika ayaa markale adkeeyay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Israa’iil ay kula kacday Soomaaliya.
War-murtiyeedka Midowga Afrika ayaa si cad u cambaareeyay, una diiday aqoonsiga halka dhinac ah ee Israa’iil ay sheegtay in ay siisay Somaliland, Midowga Afrika ayaa mar kale adkeeyay mowqifkooda ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Shirka ayaa sidoo kale taageeray bayaankii uu 26-kii Diseembar 2025 soo saaray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, kaas oo si cad u diiday tallaabo kasta ama hindise kasta oo lagu aqoonsanayo Somaliland.
Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa carrabka ku adkeeyay in aqoonsi kasta oo hal-dhinac ahi uu ka hor imaanayo mabaadi’da aasaasiga ah ee Midowga Afrika iyo Axdiga Qaramada Midoobay, isla markaana uu halis gelin karo nabadda, xasilloonida iyo wadajirka Qaaradda Afrika.
Golaha Midowga Afrika ayaa xusay muhiimadda ay leedahay ixtiraamka xuduudaha si caalami ah loo aqoonsan yahay iyo in khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal iyo hannaan sharci oo waafaqsan qawaaniinta qaaradda iyo kuwa caalamiga ah.