Midowga Afrika Oo Ka Digay Faragelin Dowlado shisheeye ay Kuhayaan Somaaliya

Guddoomiyaha Ururka AU-da, Moussa Faki Mahamad ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu shalay Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka Somalia, Xasan Cali Kheyre kula kulmay Addis Abeba, wuxuuna walaac xooggan ka muujiyey falalka sii kordhaya ee Faragelinta Arrimaha Gudaha ee Somalia.

Hadal qoraal oo ka soo baxay Xarunta Dhexe ee Ururka Midowga Afrika ayaa lagu sheegay inuu Moussa Faki Mahamad tilmaamay  inay cabsi-gelintaasi carqalad ku tahay Dhismaha Nabadda iyo Dowladeed ee haatan ka socota Somalia.

“Faragelintaasi waxay kaloo khatar ku tahay  guushii adkayd ee laga gaaray Hawlgalkii wadajirka ee Ciiddanka Qaranka Somalia iyo Hawlgalka AMISOM” ayuu yiri Guddoomiyaha Midowga Afrika.

Waxa uu ku booriyey dhamaan Jilayaasaha faraha kula jira Arrimaha Siyaasadda Somalia inay joojiyaan Fal kasta oo wax u dhimaya Dadaalka Somalia.

Moussa Faki Mahamad waxa uu ku ammaanay DFS dadaalkeeda ku aadanSiyaasadda, ballaarinta Nidaamka Federalka, xalinta colaadaha waxyeeleeyey dalka iyo Horumarinta Dhismaha Nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta iyo meel-marinta Heshiiskii laga gaaray Tubta Siyasaadda.

Waxa kale oo uu ugu baaqay DFS inay sii wadaan dadaalkodoa ku aadan inay dib uga mid noqdaan Hay’addaha Maaliyadda iyo sidii Somalia looga cafin lahaa Daynta lagu leeyahay.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha AU-da,Moussa Faki Mahamad iyo Ra’isul-wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre waxay Kulankoodii shalay kaga hadleen Horumarka ay DFS ka sameysay Ajendaha Isbedelka ee dhinacyadda Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo