Midowga Afrika Oo Sheegay in isbedel lagu sameynayo hawlgalka AMISOM

Kulan ay yeesheen guddiga amniga ee Midowga Afrika ayaa waxa ay ku soo hadal qaadeen hawlgalka Ciidamada AMISOM ay ka wadaan gudaha Soomaaliya oo ay sheegeen in wax ka bedel lagu sameyn doono.

Kulanka ayaa waxaa lagu sheegay in la bilaabi doono dagaalo ka dhan ah Ururka Al Shabaab, waxaa la soo hadal qaaday weeraradii ugu dambeeyay ee ciidamada AMISOM ay ka qeyb qaateen ee ka dhacay gobolada Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Weerarkii ugu dambeeyay ayaa ciidamada Midowga Afrika oo taageero ka helaya kuwa dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamo kale oo ajaanib ah waxa ay ka fuliyeen degaanka Basra oo hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Midowga Afrika ayaa waxa ay sheegeen inay laba jibaari doonaan taageerada ay siiyaan ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, si wax looga qabto hanashada guud ahaan amniga Soomaaliya.

Waxa ay sheegeen ujeedada inay tahay kahor doorashooyinka dalka Soomaaliya in Al Shabaab laga saaro degaano badan oo ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Ismail Chergui oo ah Guddoomiyaha nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika ayaa waxa uu sheegay in ujeedada rasmiga ah ee laga leeyahay hawlgalka inay tahay in ciidamada dowladda ay la wareegaan xaqiijinta amniga, islamarkana laga hortago weerarada ay geystaan Shabaab.

AMISOM ayaa tan iyo sanadkii 2007-dii ku sugan Soomaaliya, waxaana ay dagaal kula jiraan Shabaab, waa ay ka badan yihiin tiro ahaan marka loo eego Shabaab, mararka qaar waxaa dhacda in weeraro ay ka dhacaan xarumaha AMISOM, taasi ayaa dhalisay in hawlgalka AMISOM loo bedelo nabad dhalin halka markii hore uu ahaa nabad ilaalin.