War kasoo baxay Ururka Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in ayaa looga falceliyay tallaabadii sharci-darrada ahayd ee Xukuumadda Addis Ababa u shaacisay in ay heshiis dhinaca badda ah ay la gashay Somaliland kaas oo kahor imaanaya madaxbannaanida & wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Arrintaan oo si cad uga hor yimaadeen Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada hoostaga Dowladda, Shacabka, waddamo iyo ururro caalami ah ayuu Midowga Yurub kamid noqday dhinacyada diidan damaca Itoobiya.
“Waxaa lagu war galinayaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyadoo la raacayo Dastuurka u yaala Soomaaliya, Axdiga Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay. Tani waxay fure u tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika oo dhan” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Midowga Yurub.
Dowladda Federaalka ayaa Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, Urur Goboleedka IGAD & dhinacyada kale ee daneeya arrimaha Geeska Afrika ku wargelisay tallaabada gurracan ee Itoobiya qaadday.