MIDOWGA YURUB OO LABA MARKAB KU XOOJINAYA HAWLGALKA BADDADA CAS IYO DAGAALKA BARIGA-DHEXE KASOCDA:
Midowga Yurub ayaa shaaca ka qaaday in ay labo markab oo nuuca dagaalka ah uu Faransiisku leeyahay u dirayaan hawlgalka badda Cas ee Aspides mission, kaddib markii jawaab celinta Iran ee weerarrada Mareykanka iyo YHD ay khatar kkasoo kazoo wajahday marinada Badda iyo maraakiibta ganacsiga.
Tirada maraakiibta ka qeyb qaadanaya hawlgalka ayaa hadda gaartay illaa shan markab, sida uu sheegay sarkaal u hadlay Midowga Yurub(EU), waxaana tallaabadani ka dhalatay shir ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee 27-ka dal ee Midowga Yurub si ay uga wada hadlaan xaaladda Iran.
