Midowga Yurub oo Soomaaliya u ansixiyey $100 milyan.

Ururka Midowga Yurub oo si weyn u taageero dowladda federaalka iyo howlgalka ATMIS ayaa mar kale qaaday tallaab ku aadan horumarinta amniga Soomaaliya, wuxuuna ansixiyay malaayiin doollar oo ku baxaysa amniga dalka.

Midowga Yurub ayaa haatan Soomaaliya u ansixiyay $74.4 milyan oo dollar, taas oo loogu talagalay qorshaha kala guurka ee ay ciidamada ATMIS uga baxayaan gudaha Soomaaliya.

Lacagtan ayaa si gaar ah loogu qarash gareyn doonaa wareejinta mas’uuliyadda amniga ee ciidamada ATMIS oo la filayo inay Soomaaliya ka baxayaan dhammaadka sanadkan 2024.

Taageeradan dhaqaale ee ay dalalka Yurub ku bixinayaan Soomaaliya ayaa wax badan ka tari doonto amniga dalka, maadaama la dhisayo ciidan Soomaali ah oo beddalaya ATMIS.

Waxaa haatan dowladda federaalka ay waddaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ee la wareegidda amniga, maadaama uu si tartiib ah ku bilowday qorshaha bixista ATMIS oo horay ciidamada Xoogga dalka ugu wareejisay xarumo iyo saldhigyo muhiim ah.

Si kastaba, Midowga Yurub ayaa taageera dhaqaale oo weyn ku bixiya howgalka ATMIS, isaga oo horay u siiyay ku dhawaad 2.87 bilyan oo dollar tan iyo 2007.