Midowga Yurub ayaa xayiraad socdaal oo 30 maalmood ah ku soo rogay dhammaan xuduudaha dalalkiisa.
Tallaabada uu ururku ku dhawaaqay ayaa la sheegay in la filayo inuu ka dhaqan galo 26 dal ee ka tirsan Midowga Yurub.
Xayiraadda Midowga Yurub uu soo rogay ayaa ku soo beegmaysa xilli ay sii kordheyso tirada dhimashada dalalka Talyaaniga, Spain iyo Faransiiska.
Qaradda Yurub waxaa si weyn u saameeyey fayraska Corona ee dunida ku sii faafaya, isla markaana dilay ku dhawaad 7,500 oo qof.
Sidoo kale tartanka kubadda cagta Euro 2020 ayaa dib loo dhigay muddo hal sano ah ilaa 2021 sababo la xiriira cudurka saf-marka ah ee corona.
Cudurka ayaa wuxuu soo ritay dad ka badan 185,000 oo daafaha dunida jooga.
Tallaabooyinka Midowga Yurub uu qaaday waxaa ka mid ah xayiraadda dhinaca socdaalka oo lagu soo rogay muwaadiniinta aan u dhalan iney ka soo tallaabaan xadka.
Marka laga reebo muwaaddiniinta wakhtiga dheer yurub degganaa, qoysaska muwaaddiniinta yurub u dhashay iyo Diblumaasiyiinta, shaqaalaha caafimaadka ee xududaha isaga goosha iyo dadka gaadiidka ka shaqeeya.
Tallaabbada Midowga Yurub uu qaaday ayaa lagaga dhawaaqay kulan ay muuqaal aragga fog talaadada gelinki dambe ku yeesheen madaxada waddamada reer yurub, go’aankaasi oo ka dhaqan galayo dhammaan waddamada xubinka ka ah Midowga Yurub.
Madaxa Koomishinka Midowga yurub Ursula von der Leyen oo shir jaraa’id qabtay wuxuu sheegay “Arrintan iney tahay mid wanaagsan ayna muujineyso arrimaha xuduudaha wixii ku saabsan inaan ka mideysannahay.”
Waddamada Britain iyo Jamhuuriyadda Ireland oo aan ka mid ahayn waddamada uu go’aankaasi uu saameynayo waxaa loogu baaqay iney tallaabbadaasi qayb ka noqdaan.