Milatariga Soomaaliya oo gacanta horjeege katirsan kooxda AS.

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ay ka sameeyeen qaybo kamid ah Galmudug, kaas oo lagu beegsaday Shabaab.

Howlgalkan oo si gaar ah ah uga dhacay inta u dhexeysa deegaanada Masagawaa iyo Waniinle ayaa waxaa si wadajir ah u sameeyay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo nolosha kusoo qabtay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi.

Magaca ninka lasoo qabtay ayaa waxaa lagu sheegay horjooge Mowlid Cali Dhuxuloow, kaas oo ka mid ahaa jabahadaha, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda.

Sidoo kale waxaa qoraalka uu intaasi kusii daray in sarkaalkan la qabtay isaga oo ku dhuumaaleysanayay halkaasi, isla markaan uu watay koox kale oo Shabaab ah.

:Mowlid Cali Dhuxuloow oo si dhuumaaleeysi ah ku yimid Deeganka Waniinle ayeey Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta Deeganka  heleen  xogtiisa ka dibna gacanta ayaa lagusoo dhigay Waxaa uu hogaaminaayay koox nafla-caari ah oo ku dhuumaaleeysaneeyso dhulka howdka ah” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Gobollada dhexe ayaa waxaa xilligan ka socda howlgallo xoreyn ah oo dhul ballaaran looga qabsaday maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.