Militariga Israaiil oo markale isaga baxay Xaafado katirsan Magaalada Gaza

Ciidanka Israaiil ayaa Saacadihii lasoo dhaafay dib uga baxay Xaafado kamid ah Magaalada Gaza kaddib markii xaaladdu ku adkaatay isla markaana ay qaateen go’aan ah in ay halkaas dib uga gurtaan isuguna tagaan goobo gaar ah.

Askarta Israaiil ayaa lasoo wariyay in ay dhegaha ka fureysteen amar kasoo baxay Wasiirrada Dagaalka ee hoggaamiyaha uu u yahay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu balse culeyska ay dareemeen darteed halkaas isaga baxay.

Waxa ay ku doodeen in ay kala fogaadeen goobaha ay ka dagaalamayaan kuna adkaatay in ay ka dhex dagaalamaan Xaafadaha qaar sidaas awgeed ay doonayaan in ay duqeymo oo keliya ay ka fuliyaan halkaas sida hadalka loo dhigay.

Xaafadaha ay isaga baxeen ciidanka Israaiil waxaa lagu arkay haraadiga hubkii ay adeegsadeen & Dad ay dileen muddadii ay ka dagaalamayeen waxaana socda baaritaan lagu sameynayo sida in ay kaamirooyin ama qaraxyo ku xireen.

Dagaalkii billowday bishii Oktoobar sanadkii tagay 2023 ayaa ilaa haatan socda waxaana Askarta Yuhuudda laga dilay Ciidan & Saraakiil muhiim ah oo aad u badan halka qudhooda ay nafta dhaafiyeen Dad badan oo Rayidka.