Militariga Maali oo ku raad-jooga 100 qof oo lagu afduubtay Gobolka.

Ciidamo katirsan Militariga Dalka Maali oo kaashanaya tiro kooban oo Booliis ah ayaa billaabay howlgallo culus oo ay ku doonayaan in ay kusoo furtaan 100 qof oo rayid ah oo lagu afduubtay Gobolka Mopti kaddib markii koox hubaysan ay kala tagtay saddex bas oo ay saarnaayeen.

Qaar kamid ah Dadka deegaanka ee dhacdadaan ka dhacday ayaa Warbaahinta u sheegay in ay arkayeen kooxo hubaysan oo saf geliyay Dadkaas shacabka ah kaddibna u dareersaday ama u waday dhinaca dhul kayn ah oo loo badinayo in ay ku xooggan yihiin.

Ciidamada baadi-goobka ku mashquulsan oo adeegsanaya diyaaradaha Militariga ee qumaati u kaca iyo kuwa waxbasaasa ee Drones-ka loo yaqaan ee aanay qofna raacin ayaa dul-heehaabaya dhulka looga shakisan yahay Dadkaas in lagu haysto.

Kaynta u dhaxaysa Bandiagara iyo Bankass ayaa loo badinayaa in kooxdaan hubaysan ay ku haysato Dadkaan u afduuban waxaana xogtaan lagu xaqiijin doonnaa howlgallada ka socda deegaannada tuhunka ugu badan laga muujinayo.

Dalka Maali waxa uu kamid yahay Dalalka Afrika ee lagu afduubto Dadka rayidka ah iyada oo kooxaha hubaysan ee sida jabhadaha u aasaasmay ay bilooyin gacanta ku hayaan qaar kamid ah Dadkaas halka qaar kale soo daayaan.