Minnesotaoo Cabdul Shiikh Daahir lagu xiray, iyadoo xiisad cusub ka dhex aloosan tahay Trump iyo Soomaalida Maraykanka.
Wararka ka imanaya gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa xaqiijinaya in la xirey Cabdul Shiikh Daahir Ibrahim (Baraawe), oo ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu firfircoon ee u dhaqdhaqaaqa bulshada Soomaalida ee Minneapolis. Cabdul, oo muddo ku dhow 30 sano sharci ku lahaa dalka Mareykanka, ayaa si lama filaan ah loogu taxaabay xabsiga, arrintaas oo dhalisay hadal heyn xooggan iyo walaac sii kordhaya.
Cabdul Shiikh Daahir waa aqoonyahan, community activist si weyn looga yaqaan magaalada Minneapolis. Muddo dheer wuxuu ka qeyb qaatay u doodista xuquuqda Soomaalida, taageeridda qoysaska cusub ee qaxootiga ah, iyo xiriirinta bulshada Soomaaliyeed iyo maamulka Mareykanka.
Wuxuu sidoo kale muddo badan la soo shaqeeyay siyaasiyiin heer federaal, gobol iyo degmo ka tirsan Minnesota, isaga oo door muuqda ka ciyaaray kobcinta codka Soomaalida ee siyaasadda Mareykanka.
Cabdul waa aabe 5 caruur ah leh, isaga iyo qoyskiisana waxay dagan yihiin magaalada Minneapolis muddo dheer, halkaas oo lagu yaqaan shaqadiisa bulshada u adeegista iyo isu keenidda Soomaalida.
Xiriirka arrintan la leedahay xiisadda ka taagan Trump iyo musaafurinta Soomaalida:
Xiritaanka Cabdul wuxuu kusoo beegmay xilli ay sii xoogeysanayaan baaqyada la xiriira siyaasadaha adag ee uu Donald Trump ku wajahayo socdaalka iyo qaxootiga, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed ee Mareykanka ku dhaqan. Toddobaadyadii la soo dhaafay waxaa kordhay cabsi ku saabsan in dad badan oo Soomaali ah oo sharciyadooda muddadu dhamaatay ama khaladaad hore u galay la beegsado.
Arrinta Cabdul ayaa hadda loo arkaa mid ka mid ah tusaalooyinka ugu cusub ee muujinaya cadaadiska soo kordhaya, iyadoo bulshada Soomaalida Minnesota ay ku tilmaameen dhacdadan “dhib cusub oo ka tarjumaya xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay hadallada Trump iyo qorshihiisa musaafurinta”.
Xaaladda Cabdul wali lama shaacin si rasmi ah, mana jiro war cad oo kasoo baxay hay’adaha federaalka. Si kastaba ha ahaatee, bulshada Soomaalida ayaa bilaabay abaabul ay ku dalbanayaan in loo helo cadaalad, sharaxaad, iyo in la hubiyo inaan si siyaasadaysan loo beegsan dadka Soomaaliyeed.
