Miyey Barcelona Macsalaameysay Rikoorkii 100-ka Dhibcood Ee La Liga – Mase U Furan Tahay Wali Iney Mar Kale Gaarto Drajadaas?

Inkastoo Barcelona ay ku faraxsan tahay iney si dhib badan laga maray ku ilaashadeen rikoorkoodii guuldaro la’aanta ee horyaalka La Liga, hadana waxaa sii wiiqmeysa rajada ay ka qabeen rikoorka 100-ka dhibcood ee horyaalka.

Barcelona iyagoo marti ah ayey 2-2 la dhaafi waayeen Sevilla kulan xiiso leh oo ay 53-ilbiriqsi kaliya Suarez & Messi laba gool ku dhaliyeen, taasoo keentay iney 2-dhibcood lumiyaan maadaama ay barbaro heleen.

Balaugrana waxey shaqeysatay 76-dhibcood iyadoo horyaalka uu kaga haray kaliya 8-kulan, sidaas darteed iney darajada 100-ka dhibcood ee La Liga gaarto wxey kaga xiran tahay guul ay gaarto dhaman kulamada u haray si ay mar kale ugu celiyaan rikoorkii ay sameeyeen 2012/2013, sidoo kalana Jose Mourinho ayaa xilli ciyaareedkii ka horeeyay sidaas sameeyay.

 

Kulamada u haray Barcelona ee lagama-maarmaanka ay tahay iney wada guuleysato hadiiba ay rajo ka leedahay rikoorka waxaa ka mid ah: Leganes (minan), Valencia (marti), Celta Vigo (marti), Villarreal (minan), Deportivo La Coruna (marti), Real Madrid (minan), Levante (marti), Real Sociedad (minan).

Barcelona waxey ka warqabtaa in sadex kulan oo culus ay ka mid yahiin liiska kulamada lasoo qoray waxaana ka mid ah Real Madrid, Villarreal iyo Valencia.