Miyey Bayern Munich Soo Afjari Doontaa Habaarka Ka Heysta Kooxaha Reer Spain & Marca Oo Soo Bandhigtay Xogtii Ugu Dambeysay.

Iyadoo caawa ay la ciyaari doonaan Real Madrid kulanka lugta labaad ee semi finalka tartanka Champions League ayaa hadana la xasuusinayaa Bayern Munich ineysan ka gudbin kooxaha reer Spain afartii fasal ciyaareed ee ugu dambeyay.

Miyey sii socon doontaa arintaas? Su’aashaan caawa ayaa jawaab loo heli doonaa marka uu soo dhamaado kulanka xiisaha leh ee ka dhici doona garoonka Santiago Bernabeu.

Jupp Heynckes waxey sanadkii 2014 ku baxeen gacmaha Real Madrid iyadoo markaas uu maamule u yahay Pep Guardiola, waana sanadkii ay Los Blancos hanatay koobkii 10-aad ee Champions League.

Sidoo kale fasalkii xigay waxey semi finalka kula kulmeen Barcelona markaas oo kooxda uu hogaaminayay Luis Enrique ay finalka ku gaartay isla markaana koobkii ku hanatay Berlin.

Sanadkii xigay waxaa koobka ka reebay Atletico Madrid, laba kulan oo xiiso lahaa, walow ay 2-2 kusoo dhamatay ciyaarta isku cel-celis ahaan, balse goolka ay Atletico ku dhaliyeen Allianz ayaa dilay Bavaria.

 Mar kal Real Madrid ayaa koobkeedii 12-aad iyadoo u socota jid-mar ka dhigatay Bayern Munich kulan Ronaldo uu noqday geesiga garoonka.

Sanadkaan waxey lugtii hore qasaaro kala kulmeen Real Madrid kulan ku dhamaaday 2-1, caawana waxaa la sugi doonaa waxa dhici doona.

Kulamadii Ugu Dambeeyay Ee La Reebay:

2014 Real Madrid-Bayern 1-0 and 4-0 semifinals

2015 Barcelona-Bayern 3-0 and 2-3 semifinals

2016 Atletico-Bayern 1-0 and 1-2 semifinals

2017 Bayern-Real Madrid 1-2 2-1 (2-4 AET) quarterfinal

2018 Bayern-Real Madrid 1-2 ??? semifinals