Miyey Real Madrid Soo Afjari Doonaa Habaarka Ka Heysta Kooxaha Britain Ee Finalka Tartanka Yurub? Xog U Xun Los Blancos Oo Lasoo Bandhigay.

Real Madrid waxey yurub ka heysaa shaqo qurux badan maadaama ay sadex jeer oo isku xiga ay tiigsatay finalka tartanka Champions League sidoo kalana afartii sano ee ugu dambysay ay sadex jeer qaaday.

Iyadoo ay taasi jirto hadana Real waxey habaar ka qabtaa iney finalka ku garaacdo kooxaha ka socda dalweynaha Britain, sadex jeer ayey horay u aragtay, dhamaantood waa laga qaaday.

Kooxaha Chelsea, Liverpool iyo Aberdeen ayey isku arkeen finalada tartamada yurub – waxeyna kala kulmeen waqti qaraw ah – Su’aasha la is weydiinaayo waxey tahay: “Real Madrid malaga yaabaa iney soo afjarto habaaarka ka heysta finalada ay wajahdo kooxaha reer Britain?

Chelsea ayaa laba kulan kaga qaaday koobka European Cup Winners kooxda Real Madrid sanadkii 1971, labada kooxood waxey barbaro ku galeen Athens kulan ay Blues gool ka heshay Peter Osgood, balse Ignacio Zoco ayaa daqiiqadii 90-aad barbaro u keenay Madrid.

Laba maalmood kadib labada kooxood waxey ciyaareen kulan ku celis ah, Chelsea ayaa ku adkaatay 2-1 waxeyna labada gool kaga mahad celineysaa Osgood iyo John Dempsey.

Sidoo kale waxaa si weyn loo xasuustaa in Real Madrid ku baxday gacmaha Liverpool oo xilli guul ku jirtay sideetamaadkii.

Parc des Princes ayey labada kooxood ku ciyaareen finalka tartanka European Cup ama Champions League waxaana looga adkaaday Los Blancos gool qura oo uu dhaliyay Alan Kennedy.

Sanadii 1983 ayey la kulmeen kooxdii Aberdeen oo uu hogaaminayay Sir Alex Ferguson kulan ka tirsan finalka tartanka European Cup Winners, waxey aheyd habeen kale oo murugo u ah Los Blancos.

Erick Black ayaa bilaabay bandhigga goolasha kulankaas ka hor inta uusan Real Madrid barbaro u keenin Juanito oo dhameystiray gool ku laad.

Finalkii ka dhacay Gothenburg waxaa soo afjaray oo daqiiqadii 112-aad gool dhaliyay John Hewitt – wuxuu noqday goolka sii dheereeyay habaarka Madrid ka heysta kooxaha reer Britain.

Real Madrid waxaa looga fadhiyaa iney soo dhameyso rikoorka xun ee ay ka heysatao kooxaha ka socda Britain markey timaado finalka tartamada yurub.