Magacaabista Taliyaal muhiim ah oo dib loo dhigay

Magacaabista taliyeyaasha ciidamada Booliska iyo Nabadugidda ayaa dib u dhacday, iyadoo la filayay in maanta la ay ansixiyaan Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya.

Shirkii Golaha Wasiirada ayaa soo dhammaday goor dhoweyd iyadoo aan la horkeenin wax magacaabis ah, waxayna wararku sheegayaan in madaxtooyada Soomaaliya ay joojisay magacaabista xilalkan oo miiska saarnaa kadib markii xaalad xasaasi ah ka dhalatay.

Wararka ayaa sheegaya in awood qeybsiga beelaha dartood ay suuragal noqon qeysay in xilalkan loo magacaabo, taasoo keenay in madaxweynaha iyo agaasimaha madaxtooyada ay qaataan go’aan ah in dib loo dhigo arrintan ilaa amar danbe.

Xilalka taliyeyaasha Booliska iyo NISA ayaa bannaan muddo saddex bilood ah, iyadoo loo magacaabi la’ yahay shaqsiyaadkii buuxin lahaa oo aanay ku kalsooneyn madaxda sare iyo isku dheeli tirka awoodda beelaha oo caqabad ka timid.