Mohamed Salah Oo Laga Yaabo Inuu Ganaax Sadex Ah Kulan La Kulmo & Kaamirooyinka Oo Kashifay Falkii Uu Kula Kacay Bruno Martins Indi

Weeraryahanka Liverpool Mohamed Salah ayaa la kulmi karo ganaax saddex kulan ah hadii muuqaalada laga qabtay falkii uu kula kacay Martins Indi ay guddiga anshaxa xiriirka kubadda cagta Ingiriiska ula muuqdaa kuwa xad gudub ah.

Hogaamiyaha qaranka Masar ayaa u muuqday mid carooday oo gacantiisa si aan sharci aheyn ugu dhuftay daafaca Stoke City Bruno Martins Indi intii ay socotay ciyaartii ay Liverpool barbaraha gool la’aanta ah la gashay Stoke City.

Garsoore Andre Marriner ayaan wax go’aan ah ka qaadan ficilka uu sameeyay, balse waxaa la filayaa in gudigii sadexda shaqsi ka koobnaa ee muuqaalada todobaadka dib u milicsadainey xukmiyaan falka uu geystay xiddigii hore Roma.

Muuqaalka waxaa dib u daawan doona sadex garoorayaashii hore Premier League oo madax banaan, waxeyna go’aansan doonaan hadii Mohamed Salah uu u qalmay in casaan la siiyo.

Hadii loo arko xad-gudub waxey FA-ga dacwad kusoo oogi doonaan Mohamed Salah, hadii racfaanka uu ka qaato uu guuldareysto ama uu aqbalo waxaa garka loo galin doonaa saddex kulan oo horyaalka ah.

 25-jirkaan wuxuu seegi doonaa kulamada Chelsea & Brighton & Hove Albion iyo kulanka ugu horeeya horyaalka Premier League xilli ciyaareedka dambe hadii uu sii joogo.

Laba dhibaato ayuu wajahayaa haduu ganaax la kulmo Salah, inuuan Liverpool ka caawin karin iney afarta sare ku dhameysato iyo sidoo kale inuusan sii dheereysan karin rikoorkiisa gooldhalinta horyaalka Premier League isagoo haatan kaliya shan gool ka sareeyo Kane oo afar kulan heysta.