Mohamed Salah Oo Si Shaaric Ah U Weeraray Xiriirka Kubadda Cagta Ee Egypt Iyo Waxa Uu Khilaafkoodu Salka Ku Hayo

Mohamed Salah waxa uu si shaaric ah u weeraray xiriirka kubadda cagta ee Egypt (EFA) xilli uu jiro khilaaf u dhexeeya oo ku saabsan xuquuqda sawiradda.

Garabka Liverpool hore ayey isugu dheceen hay’adda maamusha kubadda cagta dalkiisa taas oo uu khilaaf dhex dhigtay labada dhinac iyaga oo is weydaarsaday Twitter-rro badan.

“Waa caadi in xiriir kubad caged in ay raadiyaan xalita dhibaato kala dhexeysa ciyaaryahankooda markaa xassillooni wey dareemi karaan,” ayuu yiri.

“Laakiin xaqiidii waxa aan arko waa taas cagsigeeda.

“Ma aha wax caadi ah in farriimaheyga iyo warqadaha abuukaatehayga la’iska indha tiro.

Mohamed Salah

@MoSalah

الطبيعي أن أي اتحاد كرة يسعى لحل مشاكل لاعبيه حتى يوفروا له الراحة.. لكن في الحقيقة ما أراه عكس ذلك تمامًا.. ليس من الطبيعي أن يتم تجاهل رسائلي ورسائل المحامي الخاص بي … لا أدري لماذا كل هذا؟ أليس لديكم الوقت الكافي للرد علينا؟!

“Ma aqaan sababta ay waxan oo dhan u dhacayaan? Miyeydaan haysan waqti aad noogu so jawaabtaan?”

Wakiilka Salah, Ramy Abbas ayaa sidoo kale arintan ka hadlay.

Ramy Abbas Issa

@RamyCol

We asked for guarantees regarding Mohamed’s wellbeing whilst with the national team, and assurances that the image rights violations wouldn’t happen again. That’s all. They have yet to respond.

“Waxaan dalbannay damaanad ah wanaagga Mohamed markii aan xulka qaranka la joognay iyo in la xaqiijiyo xuquuqda sawiradda in aan lagu xadgudbin markale,” ayuu soo dhigay.

“Waa intaas, weli ma aysan soo jawaabin.”