Mooshin laga Gudbiyay Maxkamada Sare Ee Puntland

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa soo gudbiyay Mooshin ay ka keeneen Maxkamadda Sare ee Puntland, sida ku cad warqadda Mooshinka oo loo gudbiyay Gudoonka Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi.

Xildhibaanada Puntland ee Mooshinkaan soo saaray ayaa ku eedeeyay Maxkamadda Sare ee Puntland inaysan si cadaalad ah ugu adeegin Bulshada ku nool deeganada Maamulkaasi.

Xildhibaanada Puntland ee Mooshinkaan soo saaray ayaa ku eedeeyay Maxkamadda Sare ee Puntland inaysan si cadaalad ah ugu adeegin Bulshada ku nool deeganada Maamulkaasi.

Eedeynta ay soo jeediyeen Xildhibaanada ayaa kala ah.

1: Khilaaf muddo ka dhex jiray xubnaha Maxkamadda Sare

2:Cadaalad daro & dulmi baahsan oo ay kula kacaan Bulshada

3:Maxkamadda Sare ee Puntland oo aan qaban shaqo waafi ah

4:Musuq maasuq aan xad laheyn oo Hay’addaha Garsoorka ka dhex jira

5:Ku takri fal awoodii sharci ee Garsoorka oo ay dano uga faa’iideysanayaan

6:Maxkamadda Sare oo aan Gobolada & Degmooyinka ka wada shaqeyn.