Mooshinkii laga Weday Guddoomiye Jawaari oo burburay

Mooshinkii laga keenay guddoomiyaha golaha shacabka ayaa burburay kadib markii tiradii loo baahna tiro ka yar ay soo gudbisay.

Guddiga joogtadda ah ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa isku raacay inuu sharci ahayn mooshinka laga keenay guddoomiye Jawaari.

Sida sharciga ah mooshin waxaa soo qori kara oo keeni kara Xildhibaano gaaraya 93 Xildhibaan sidaas darted ayay guddigu sheegeen in la waayay tirade saxda ah ee loo baahnaa in mooshin lagu keeno.