Mooshinkii laga weday Madaxweyne waare oo laga laabtay

Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ay sheegeen inay ka laabteen mooshinkii ay maalmo kahor ka keeneen madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, kadib kulan waqti badan qaatay oo xalay ka dhacay madaxtooyada Hirshabeelle.

Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed ayaa wuxuu sheegay in xildhibaanada ay ka laabteen mooshinkii ay keeneen, wuxuuna tilmaamay in arrintan ay muujineyso in xildhibaanada Hirshabeelle ay marwalba diyaar u yihiin gudashada hawlahooda.

Wuxuu sheegay mooshinkan inuu ahaa canaan loo jeedinayay madaxweynaha Hirshabeelle iyada oo laga duulayo dib u heshiisiinta, amniga, dhaqaalaha iyo marxaladda siyaasadeed.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo goob joog ka ahaa goobta loogaga dhawaaqayay mooshin ka noqoshada ayaa sheegay inay u ahayd canaan mooshinka isagana uu diyaar u yahay in uu dhagaysto dhaliilaha ay u soo jeedinayaan xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle.