Mooto Bajaajle lagu dilay Muqdisho

Dilka Darawalka Mooto bajaajle ah ayaa waxa uu goordhow ka dhacay afaafka hore ee Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee Banaadir ee Magalada Muqdisho.

Mid ka mid ah ilaalada Isbitaalka rasaas uu furay ayaa la sheegay in uu ku geeriyooday Darawalka Mooto Bajaajlaha,waxaa sidoo kale ku dhaawacmay qof kale oo wadada marayay.

Weli macada sababta keentay in rasaastaas uu furo askari ka mid ah ilaalada Isbitaalka Banaadir,hayeeshee xilliga uu falka dhacayay ayaa goobta waxa ay aheyd mid mashquul badan oo gawaari farabadan ay marayeen,waxaana askarigii dilka geystay gacanta ku dhigay Ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo goobta tegay ayaa halkaasi ka qaaday meydka Darawalka Mooto bajaajlaha ahaa,iyaga oo geeyay Xarunta Hay’adda Dambi-barista ee CID-da.

Dilkaan uu Maanta qofka Shacabka ah uu u geystay mid ka mid ah ilaalada Isbitaalka Banaadir ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan Isbitaalkaas ay la wareegtay dowladda Soomaaliya.