Magaalada Muqdisho ayaa maanta martigelinaysa abaabulka dibadbax weyn oo ay iclaamiyeen xubno ka tirsan mucaaradka, kaas oo la filayo in uu berri oo Sabti ah ka dhaco degmooyin dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Banaadir. Dibadbaxan ayaa si toos ah uga hor imanaya mowqifka Dowladda Federaalka, taas oo ku tilmaantay mid sharci darro ah.
Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Dowladda Federaalka ayaa lagu arkayaa waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda, iyaga oo xoojinaya amniga, kana hortagaya isku socodka gaadiidka si looga hortago isu soo baxa la qorsheeyay. Goobaha isgoysyada ayaa si gaar ah loo adkeeyay, iyadoo ciidanku ay wadaan baaritaanno lagu xaqiijinayo in aysan dhicin wax qalalaase ah.
Dowladda Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’adaha ammaanka ayaa si isku mid ah uga horyimid qabsoomidda dibadbaxa, iyaga oo ka digay khataraha amni iyo kuwa bulsho ee ka dhalan kara haddii lagu dhaqaaqo tallaabo aan sharciyad lahayn.
Dhanka kale, mucaaradka ayaa magaalada Muqdisho ku leh kulammo gaar gaar ah oo ay uga arrinsanayaan sidii ay u wajahaan xaaladda, halka hay’adaha ammaanka ay dhankooda dejinayaan qorshayaal lagaga hortago isku day kasta oo wax u dhimi kara xasiloonida caasimadda.
Arrintan ayaa si weyn looga hadal hayaa gudaha magaalada, iyadoo dadweynaha ay dhegaha u taagayaan saamaynta laga filan karo hadallada isa soo taraya ee labada dhinac is dhaafsanayaan, haddii ay ficil isu beddelaan.