Xubnaha mucaaradka ayaa shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, iyaga oo si gaar ah uga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashooyinka.
War-saxaafadeed ay si Wada Jir ah U Soo Saareen Mucaaradka ayaa Waxaa Warbaahinta Akhriyay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, waxayna Mucaradka muujiyeen walaac xoogan oo ay ka qabaan qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka waddo doorashooyinka gobolka Banaadir.
Bayaanka ayaa lagu yiri: “Waxaan si cad uga digeynaa doorasho dowladda ku doonayso in ay ka qabato gobolka Banaadir iyadoo aan heshiis guud lagu ahayn hannaanka iyo guddiga qabanaya doorashadaasi.”
Sidoo kale, Madasha Samatabixinta ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo qabto doorashooyin hufan oo madaxda dowlad goboleedyada waqtigoodu dhammaaday, si looga fogaado khilaaf siyaasadeed oo hor leh.
“Waa lagama maarmaan in madaxda dowlad goboleedyada xilalkoodu dhammaaday ay si degdeg ah u qabtaan doorasho lagu wada qanacsan yahay,” ayaa lagu xusay qoraalka Madasha Mucaaradka.
Shirka Jaraa,id ee Xubnaha Mucaaradka ayaa ku soo aadaya xilli garab kamid ah Mucaaradka ay ku biireen Dowladda Federaalka.