Musharrixiinta Mucaaradka ah ee Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa go’aan diidmo ah kala hortagay Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedkaas ee la shaaciyay isla markaana barqonimadii maanta la dhaariyay.
Waxa ay ku tilmaameen baarlamaan sharci darro ah, waxaana ay sheegeen in aysan u diyaarsaneen doorasho ay wax dooranayaan xubnahaan ay diidan yihiin asal ahaantooda in ay ku taagan dhabbaha sharciga ah.
Mucaaradka ayaa ku dhawaaqay in uusan aqoonsaneen xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada Baarlamaanka 6aad ee Dowlad-Goboleedka Puntland oo ay ku eedeeyeen in Madaxtooyadu si gaar ah u wadato waa sida ay hadalka u dhigeen.
Halkaan ka aqriso go’aanka Musharrixiinta:

Khilaaf cusub ayaa kasoo kordhay deegaannada Dowlad-Goboleedka Puntland kaddib markii la shaaciyay liiska Xildhibaannada Baarlamaanka 6aad ee Golaha Wakiillada isla markaana la dhaafiyay balse waxaa jira dhinacyo badan oo diidmo kala hortagay.