Mudanayaasha Baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta Dood ka yeeshay Hindise Sharciyeedka Hay,ada Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaranka .

 

Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa  Guddoomiyay Kal fadhiga 2-aad Kulankiisa 15-aad ee Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa ajendihiisu ahaa

  1. Dhaarin Xildhibaan (Ilyaas Sheekh Axmed)
  2. Dhameystirka ka doodista Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka.
  3. Ka doodista Akhrinta 2aad ee Hindise sharciyeedka Korantada
  4. Qeybinta Warbixinta Kalfadhiga 1aad ee Golaha Shacabka 11aad.

Habdhowraha Golaha Shacabka BJFS Xil. Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) Ayaa dhaariyay Xildhabaan Ilyaas Sheekh Axmed Oo deegaan doorashadiisu tahay Galmudug.

Intaasi kadib xildhibaanada Golaha shacabka BJFS ayaa siiwaday dhameystirka Ka doodista Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka. xildhibaanada ayaa intooda badan doododa ku saleysneeyd toosin iyo turxaan bixin ku saabsan sharcigaan.

Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku- xigeenka Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobollada iyo Amniga Ee Golaha Shacabka BJFS, Xil. Nuur Axmed Diiriye “Nuur Afeey” iyo qaar kamid ah xubnaha gudiga Ayaa umahadceliyay xildhibaanada aygoona ku Amaanay xildhibaanada dooda adag ee ka yeesheen sharcigaan, soo jeedintooda iyo turxaan bixintooda ku aadan sharcigaan.Intaasi kadib Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane.

Cabdullaahi Cumar Abshirow oo shir guddoominayay kulanka ayaa guddiga faray in ay soo diyaariyaan Akhrinta 3aad ee Hindisa Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Ayagoona ka duulaya talooyinka iyo qodabada ay dul istaageen xildhibaanada muddo labo maalin Ahna ay ku keenaan Akhrinta 3aad ee Hindisa Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka.

Intaasi kadib Guddoomiyaha Guddiga Gaadiidka, Garoommada, Dekedaha, Hawlaha Guud iyo Tamarta ee Golaha Shacabka BJFS Xil. Abdillahi Abdi Mohamed (Geelqaad)Ayaa xildhibaanada ka hor Aqriyay hindise sharciyeedka korantada oo uu guddigu soo diyaariyay Asigoona sheegay in sharcigaan uu yahay sharci Arimo bulsho muuhiimna uu uyahay dalka iyo dadka soomaliyeed waxa uuna ka codsaday xildhibaanada in ay Ansixiyaan si sharcigaan uu udhaqangalo.

Intaasi kadib xildhibaanada Golaha shacabka BJFS ayaa dood adag ka yeeshay sharcigaanXildhibaanada ayaa intooda badan doododa ku saleysneeyd toosin iyo turxaan bixin ku saabsan sharcigaan.