MUDANAYAASHA LABADA AQAL EE BJFS OO KA DOODAY CUTUBYADA 10-AAD IYO 11-AAD EE DASTUURKA.

Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad ee wadajirka ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenada labada aqal.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka furay ayaa xildhibaanada ka codsaday in ay wakhti iyo juhdi geliyaan howsha hortaalla oo ah arrin muhiim u ah dowladnimada dalka.
Intaasi ka dib Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa guda galay ajendaha kulanka ee maanta oo ahaa dib u eegista dastuurka, marxaladda labaad, soo jeedimaha wax ka baddalka dastuurka cutubkiisa 10-aad oo ka hadlaya shaqaalaha rayidka ah ee dowladda iyo cutubkiisa 11-aad oo ka hadlaya nidaamka maaliyadda guud, waxaana Xildhibaanada labada aqal ay ka doodeen qodobada cutubyadan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxsmee Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in maanta lasoo gaba gabeeyey ka doodista labada cutub ee 10-aad iyo 11-aad.