Mudanayaasha Labada Aqal oo Yeeshay Kalfadhigii 7-aad, Kulankiisa 18-aad ee Wadajirka ah

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 18-aad ee wadajirka ah, waxaana shir guddoominayey Guddoomiya Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo uu wehelliyo Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo ku xigeennada labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde iyo Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Kooramka guud ee Baarlamaanka oo maanta ku furmay 172 Mudane, ayaa ajandihiisu ahaa ka doodista soo-jeedimaha wax ka beddelka dastuurka, gaar ahaan cutubyada 7-aad iyo 8-aad oo ka hadlaya awoodaha Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda. Waxaana Guddoonka Guddiga dastuurka ee Baarlamaanka ay Mudanayaasha labada aqal la wadaageen soojeedimihii ay Xildhibaannadu ka dhiibteen cutubyadii hore iyo faahfaahinta qodobbada 109-aad illaa 129-aad, kuwaas oo dooddooda maanta loo fadhiyo.
Intaas kadib, Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa gudagalay ka doodista qodobbada loo soo bandhigay ee ku saabsan awoodda Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo soo jeediyay fikrado kala duwan iyo falanqeyn ku saabsan qodobbada 109-aad illaa 129-aad ee Awoodda Madaxwaynaha.
Doodda Cutubyada 7-aad iyo 8-aad ayaa sii socontonta maalmaha soo socsa, iyadoo Mudanayaasha labada aqal ay aragtidooda ku biirinayaan Dastuurka, si loo helo Dastuur dhammaystiran oo waafaqsan nidaamka dowladnimo ee dalka.