Muhaajiriin dooni kula degtay badda u dhaxeeysa Turkiga iyo Greek-gga

Sidda ay xaqiijiyeen Ilaalada xeebaha ee dalka Giriigga ugu yaraan 16 qof oo muhaajiriin ah oo ay ku jiraan Lix caruur ah ayaa dhintay kadib markii dooni ay saarnaayeen ay ku qarqantay badda u dhaxeeysa Turkiga iyo Greek-gga.

Waxaa la aaminsanayahay in doonida ay saarnaayeen dad kor u dhaafaya labaatan qof iyadoo dadkaa qaarna weli lala’yahay Waxaana socoda baadi goob loogu jiro dadkaasi.

Dimitris Vitsas Wasiirka socdaalka ee Giriigga, ayaa sheegay in dalka Greek-ga uusan raali ka ahayn kana noqon doonin in ay dadka ku dhamaadaan jasiiradda Aegean.

Ciidamada Ilaaladda ayaa sidoo kale waxa ay xaqiijiyeen in dadkaasi ay kasoo jeedaan qaaraddaha Afrika iyo sidoo kale Aasiya.

Ururka Midowga yurub ayaa sheegay in sanadkii hore ay aad u yaraayeen muhaajiriinta sharci darrada ah ee ka tallaabo soohdimaha wadamada yurub tan iyo markii ay biloowdeen musiibada tahriibeyaasha afar sano ka hor.