Mukhtaar Rooboow Oo Noqday Musharixii Ugu Horeeyay Ee Qaata Shahaadada Musharaxnimo

Guddiga doorashada ee Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Maanta bilaabay diiwaangelinta musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Maamulkaas.

Maanta ayaa waxaa musharixii ugu horeeyay ee qaata Shahaadada musharaxnimo waxa noqday Muqtaar Roobow Cali Abuu(Mansuur) oo mar soo noqday hogaamiyaha labaad ee Al-Shabaab,wallow markii dambe uu sheegay in uu ka baxay.

Sidoo kale waxaa Baydhabo ka socotay diiwaangelinta musharixiinta 10ka ku dhow ee u sharaxan xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la filayo in 17 bishan ay ka dhacdo Magalada Baydhabo.