Mukhtaar Roobow oo ka jawaabay go’aankii dowladda

Ka dib markii Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya ay shaacisay in doorashadda Koonfur Galbeed uusan u tartamin karin Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa arintaasi Waxaa maanta jawaab ka bixiyay Mukhtaar Roobow.

Xaflad lagu soo dhaweynaayay Musharaxnimadiisa oo maanta ka dhacday Magaalada Baydhabo ayuu kaga dhawaaqay in uusan u hoggaansaneyn hadalkii kasoo baxay Wasaaradda Amniga Soomaaliya.

Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur Waxaa uu sheegay in hadalka dowladda laga soo qaado halka Maanta ay Soomaaliya mareyso iyo Khilaafka kala dhaxeeya dowlad goboleedyadda.

Waxaa uu taageerayaashiisa ugu baaqay in ay sii wadaan howshooda kana dhaga fureystaan hadalka dowladda Federaalka ah.

Khudbada uu jeediyay ayuu sidoo kale ku sheegay in uu ka socdo Shacabka Koonfur Galbeed oo ka dalbaday in uu isasoo sharaxo ,Waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay u taallo marka hore in Dharka ciidankeeda ee lagu dhacayo shacabka ay wax ka qabato.