SAWIRO: Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare Ugaas Nuur ee Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa lagu qabtay Munaasabad iskugu jirtay Qalin bedeleshada Ardayda Fasalka 8-aad ee Dugsiga Dhexe iyo Sagootinta Ardayda Fasalaka 4-aad ee Dugsiga Sare ka qalin jabiyey una gudbaya heerka koobaad ee Jaamacada Sidoo kalane waxa ay daarneyd Xaflada furintaanka Sanad Dugsiyedka Cusub 2023- 2024.
Munaasabada waxaa aksoo qeyb galay Masuuliyiinta Maamulka Degmada oo ugu horeeyo Bashiir C/Raxmaan Sheekeye, Godoomiye ku xigeenka dib u hishiisiinta iyo Federaaleynta Maamulka gobalka Hiiraan Macalin Nuur Cilmi Garre Madax ka socota Jamacadaha Gobololada dhexe, Ururada iyo Daladaha Waxbarashada Kheyriga ah, Waalidiinta Iskuulka Ilahooda wax uga bartaan, Ururada Bulshada Marti sharaf kale oo lagu casuumay Madasha.
Maamulaha Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare Ugaas Nuur Ustaad Axmed Yuusuf C/laahi (Abuu hureyra) ayaa ugu horeyn Sharxay ujeeda Munaasabadaan asaga oo sheegay in ay iskugu jirto, sagootinta Ardeyda Fasalka 4-aad ee Dugsiga sare, Qalin bedelashada Ardeyda Fasalka 8-aad ee Dugsiga dhexe una soo gudbaya Dugsiga sare iyo furintaanka Sanad Dugsiyedka Cusub 2023- 2024, Maamulaha ayaa u mahadceliyey dhammaan Marti sharaf kazoo qeyb gashay Xaflada iskuulka oo ay ugu horeeyaan Madaxda Maamulka heer Gobol iyo heer Degmo iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.