Xarunta Dowlada Hoose ee Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa lagu qabtay Munaasabad Ahayd Daahfurka Iyo Soo Bandhigida Wax Soo saarka Shirkada Dhuxul Dhagaxda ECOSOM oo Deegaanada Galmudug ka hirgalisay in Geedka iska baxaaga loo badalo Dhuxul lagana Baaqsado Jarista Dhirta Manfaca leh.
Xafladaan waxaa kasoo Qayb galay Masuuliyiin Kaladuwan oo Katirsan Galmudug uguna Horeeyaan Masuuliyiin kasocda Maamulka Dowlada Hoose ee Dhusamareeb oo ugu Horeeyo Gudoomiyaha Caasimada Macalin Cabdirixmaan Geed-Qorow, Gudoomiye ku-xigeenka, Xoghayaha Degmada, Xildhibaano katirsan Golaha Deegaanka, iyo Qaar ka mida Gudoomiyaasha Xaafadaha Dhusamareeb.
Waxaa sidoo kale Goobjoog ahaa Agaasimaha Wasaarada Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Galmudug Daahir Cismaan Nuur Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Galmudug Maxamed Xaashi Dhoore.
Waxgaradka iyo Bulshada Magaalada Dhusamareb ayaa iyana ka qaybgalay dhamaana waxa ay Bogaadiyeen Wax soosaarka ECOSOM.
+17
All reactions:
15