Munaasabad lagu dhiiragelinayay Haweenka oo Muqdisho lagu qabtay

Maanta oo ay ku  beegney 8-da Maarso oo ah maalinta Caalamiga ah ee haweenka adduunka ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay xaflad ka duwan xafladaha loogu dabaal dagayo xuska maalinta haweenka aduunka.

Safiirka Sweden ee Soomaaliya mr, Andreas von uexkull, Hay’adda caalamiga ah ee taageerta warbaahinta { IMS } iyo Machadka Warbaahinta ee FOJO ayaa magaalada muqdisho ku qabtay xaflad lagu soo bandhigayay hormarka ay gaareen qaar ka mid ah haweenka iyo caqabadaha heysta guud ahaan haweenka Soomaaliyeed.

Sidoo kale xaflada ayaa waxaa lagu soo bandhigay barnamij lagu magacaabo WikiGap oo ah barnaamij bilow ah oo ku saabsan kordhinta qoraalada haweenka ee Wikipedia, sidoo kalena lagu xoojiyo laguna hormariyo qoraalada ay qoraan haweenka Soomaaliyeed.

Barnaamijkan WikiGap waxaa iska kaashanaya Safaarada Sweden ee Soomaaliya iyo Wikipedia.

Wikipedia waa bogga ugu weyn aduunka oo ay ku keydsan yihiin xogta iyo mowduucyada kala duwan ee ku saabsan dadka iyo dunida, laakiin waxaa bogga ka dhex jira isku dheeli-tirnaan la’aanta sida guud ahaan dunidaba ugu jirto 90% waa kuwo macluumaadkoodu ku jiro raga, qoraalada raga ku saabsan waxa ay afar lab ka badan yihiin kuwa laga qoray dumarka.

Goboladu way ku kala duwan yihiin tirada laakiin waxaa xaqiiqo ah in xogta ku saabsan dumarka ee qoran aysan u badneyn si la mid ah kuwa raga.

Xaflada waxaa ka qeyb galay guddoomiyaha gobolka Banaadir, Hay’addaha ka shaqeeya hormarinta haweenka ee warbaahinta iyo kuwo u ololeeyo.

Safiirka Sweden ee Soomaaliya Mr. Andreas von uexkull sheegay in dowlada Sweden ay dadaal ku bixineyso sidii haweenka Soomaaliyeed ugu soo muuqan lahaayeen bogga Wikipedia ee ku qoran afka soomaaliga.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa u mahad celiyay Safaarada dowladda Sweden iyo hay’addaha warbaahineed ee barnaamijkan soo qaban qaabiyay.

Intii ay xaflada socotay waxa aad looga dooday sida lagu hormarin karo haweenka Soomaaliyeed gaar ahaan dhinacyada qoraalada iyo warbaahinta.

Waxaa aad looga dooday saameynta haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin bulshada iyo ahmiyada ay leedahay soo bandhigista sooyaalka haweenka saameynta leh.

Waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay buugaag ay qoreen haweenka oo lagu daabacay bogga Wikipedia ee af Soomaaliga, waxaana dood wadaaga hoolka xaflada lagu qabtay ka qeyb galay Haween Soomaaliyeed oo ka kala yimid Muqdisho iyo gobolada dalka.

Ugu dambeyn waxaa xafladda lagu soo bandhigay daraasaad ka hadleysa xaaladaha ay ku shaqeeyaan haweenka Soomaaliyeed ee ku jira warbaahinta.