Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay Maalinta Caalamiga ah ee Dabdamiska ayaa lagu qabtay Xarunta Waaxda Gurmadka Degdegga ah ee Dawladda Hoose ee Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, saraakiil, iyo shaqaalaha dabdamiska.
Munaasabaddan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray doorka muhiimka ah ee ay hawlwadeennada dabdamisku ka qaataan badbaadinta nafta iyo hantida bulshada, iyaga oo mar kasta diyaar u ah ka hortagga iyo daminta dababka ka kaca caasimadda. Intii ay socotay xafladda, waxaa la soo bandhigay waxqabadyo kala duwan, guulo ay gaareen waaxda, iyo sidoo kale qalab casri ah iyo farsamooyin ay adeegsadaan marka ay la tacaalayaan xaaladaha degdegga ah.
Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdimaajid Daahir Aadan, oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa si weyn u bogaadiyay dadaalka iyo naf-hurnimada ay muujiyaan shaqaalaha dabdamiska. Wuxuu xusay in ay yihiin laf-dhabarta gurmadka degdegga ah, isla markaana ay mar walba u taagan yihiin badbaadinta bulshada, xilli kasta iyo xaalad kasta. Sidoo kale, wuxuu caddeeyay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay in la xoojiyo waaxda gurmadka, lana daboolo baahiyaha ay qabaan si loo kordhiyo tayada shaqadooda, awooddooda, iyo tababbarkooda.
Dhanka kale, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Marwo Bilan Bile, ayaa iyaduna hadal qiimo leh ka jeedisay munaasabadda, iyadoo ku amaantay shaqaalaha dabdamiska dulqaadka, geesinimada, iyo shaqada adag ee ay u hayaan bulshada. Waxay tilmaantay in shaqadoodu tahay mid u baahan dadaal joogto ah iyo naf-hurnimo, isla markaana ay mudan yihiin in la garab istaago oo la dhiirrigeliyo.
Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay Agaasimaha Waaxda Gurmadka Degdegga ah Mudane Cabdisalaam Magan iyo Agaasimaha Xafiiska Duqa Magaalada Mudane Maxamed Cabdullaahi Dhaaley, kuwaas oo dhammaantood xusay muhiimadda ay leedahay horumarinta adeegyada gurmadka degdegga ah, iyo in la helo qalab iyo tababar ku filan oo la jaanqaadi kara baahiyaha sii kordhaya ee magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyn, munaasabaddan waxay noqotay mid lagu muujiyay qiimaha weyn ee ay bulshada u leeyihiin hawlwadeennada dabdamiska, iyo sida ay uga go’an tahay Maamulka Gobolka Banaadir in la horumariyo adeegyada gurmadka si loo xaqiijiyo badbaadada shacabka iyo hantidooda.